Sawirro: MD Kuxigeenka Puntland oo hadhimo sharafeed ku qaabilay masuuliyiin & marti sharaf kala duwan oo kasoo qaybgalay munaasabadda xuska Sannad-guurada 28-aad ee Aasaaska Dowladda Puntland
02 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E. Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta hadhimo sharafeed ku qaabilay masuuliyiin iyo marti sharaf kala duwan oo ka kala yimid gudaha iyo daafaha caalamka, kuwaas oo ka soo qayb-galay munaasabadda xuska Sannad-guurada 28-aad ee Aasaaska Dowladda Puntland.
Hadhimadan oo lagu qabtay Beerta 22-aad ee Magaalada Garoowe ayaa ahayd mid lagu maamuusayay martida sharafta isla markaana lagu muujinayay qaddarin iyo soo dhaweyn ku aaddan kaalintooda ka qaybgalka munaasabadda qaran ee xuska aas-aaska Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay dhammaan martidii ka soo qaybgashay munaasabadda, isagoo xusay in joogitaankoodu uu muujinayo xiriirka wanaagsan, iskaashiga iyo wadajirka ay Puntland la leedahay saaxiibbadeeda gudaha iyo dibaddaba.
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u rajeeyay martida socdaal nabadgelyo, wuxuuna adkeeyay in Dowladda Puntland ay sii xoojin doonto iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay dhammaan dhinacyada kala duwan.


























