Booliska Gobolka Nugaal oo gacanta ku dhigay laba eedaysane oo loo haysto inay ku istaageen Calanka Puntland
03 Aug 2026 (Puntland.com) Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa maanta gacanta ku dhigay eedeysanayaasha kala ah Cabdiraxmaan Axmed Xaamid, ina Faadumo Nuur, 20 jir, deggen magaalada Garoowe, iyo Maxamed Yuusuf Cali, ina Layla Maxamed Cilmi, 20 jir.
Eedeysanayaashan ayaa lagu soo qabtay fal ka dhan ah sharafta iyo karaamada Calanka Dawladda Puntland, kadib markii ay si ula kac ah ugu istaageen calanka, iyagoo muuqaalka falkaasna ku baahiyey baraha bulshada.
Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa wuxuu bulshada u caddeynayaa in Calanka Dawladda Puntland uu yahay astaan qaran oo matasha jiritaanka, midnimada iyo karaamada shacabka Puntland. Ku tumashada, xaqiraadda ama ku xadgudubka calanka waa fal dambiyeed, waxaana lala tiigsanayaa sharciga.
Sidoo kale waxaa socda baaritaanno lagu baadi-goobayo dhammaan shaqsiyaadka kale ee ku lug lahaa abaabulka, duubista, faafinta ama dhiirrigelinta falkaan. Qof kasta oo lagu helo inuu door ku lahaa wuxuu wajihi doonaa tallaabo sharci.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu si adag uga digayaa fal kasta oo lagu gefayo astaamaha qaranka. Ilaalinta karaamada calanka waa waajib saaran muwaadin kasta, cid kasta oo ku xadgudubtana waxaa la horgeyn doonaa caddaaladda si waafaqsan sharciga Puntland.

