Hub ay maamulka Xasan Sheekh galabta ka dejisey koonfurta Gaalkacyo oo la boobay
04 Aug 2026 (Puntland.com) Hub uu maamulka Xasan Sheekh ka dajisay garoonka diyaaradaha ee Koonufurta Gaalkacyo oo loo waday Dhinaca Puntland ayaa ciidan hubeysan dhexda u galeen, waxaana la xaqiijiyey dhaawacada 2 qof oo kadhalatay iska horimaad hubeysan.
Gaadiidka hubkan lagu qaaday oo 2 ahaa mid kamid ah ayay qabsadeen ciidan kasoo jeeda Koonfurta Mudug, iyagoo la wareegay agabyadii saarnaa, ciidankan deegaanka ayaa sheegaya in ay kasoo horjeedan in hub lagu weeraro dhinaca Puntland la dhexmariyo.
Xasan Sheekh ayaa doonaya Puntland oo xasiloon, dagaal na kula jirta Argagixisada Daacish muddo labo sano ah inuu dagaal kale ku furo si ay Argagixisadu jaanis u hesho.