Xildhibaanada Xil-gaarsiinta ee Xasan Sheekh oo cambaareeyey daabulka maamulkiisa ay hub kugeynayso Gaalkacyo
04 Aug 2026 (Puntland.com) Xildhibaanada Xil-gaarsiinta ee baarlamaankii 11-aad ayaa cambaareeyey daabulka DFS ay hub kugeynayso magaalada Gaalkacyo, iyagoo sheegay in Tani ay tahay weerar lagu qaadayo amniga iyo xasiloonida Puntland oo ay kasoo horjeedaan.
Layaab iyo Fajac ayay kutilmaameen in Hubka loo daabulayo deegaano nabad ah, iyadoo dadka deegaanka Teedan oo Hiiraan ah ay baahi weyn u qabaan in Argagixisada laga hor istaago deegaanka.
