Golaha Mustaqbalka oo ka digay colaada Villa Somalia ay ka hurinayso Gaalkacyo, daabulka hubka…

1a1c1

04 Aug 2026 (Puntland.com) Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, ayaa ka digay colaada Villa Somalia ay ka hurinayso magaalada Gaalkacyo, daabulka hubka ee maalmihii u dambeeyey ilaa kii maanta ee keenay khasaaraha dhaawaca in ka badan 5 qof oo uu ku jiro gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug.

Golaha ayaa dhacdooyinkaas ku sheegay ficilo halis ku ah qaranimada Soomaaliya, uuna hurinayo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh.

Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in Gaalkacyo ahayd magaalo amni ah, Xasan Sheekh na dib u abaabulay colaad, ammaandarro iyo barakac.

About The Author