Taliyaha Ciidanka PSF Maxamuud Diyaano oo u galay xerada Ciidanka Danab ee ku taalla koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug
05 Aug 2026 (Puntland.com) Taliyaha Ciidanka PSF, Maxamuud Diyaano oo ku sugnaa xerada Gaalkacyo iyo labo askari oo dhaawac ah ayaa u galay xerada Ciidanka Danab ee ku taalla koonfurta magaalada ee dhanka Galmudug..
Sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo lagu kalsoonaan karo, Maxamuud Diyaano ma qabo wax dhaawac ah. Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in caafimaadkiisua hadda lala tacaalayo, oo lagu xiray qalabka neef-qabatin caawiya, isagoo ay Sonkor uu qabay ay ku kacday.
Sidoo kale duulimaad diyaaradeed ayaa hadda laga qorsheynayaa magaalada Muqdisho, kaas oo xubnahan looga qaadayo Gaalkacyo, laguna geynayo caasumada Xamar.