Booliska Puntland oo ku dhawaaqay in ay howlgal amni ka fuliyeen Gaalkacyo
05 Aug 2026 (Puntland.com) Booliska dawladda Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay howlgal amni ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ayna beegsadeen goobo ay kusugnaayeen kooxo ay kusifeysay in ay khatar ku ahaayeen amniga, xasilloonida & kala dambeynta Puntland.
Warsaxaafadeedka Booliska ayaa lagu sheegay in Talaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono dhammaan cid kasta oo isku dayda in ay falal amnio darro sameysa, hub lidi ku ah kala dambeynta haysata, ayna ka go`an tahay PL in aysan marnaba u dulqaadan kooxo ama shaqsi kasta oo u adeegaya cadowga Puntland ama halis galinaya xasiloonida deegaankan.
