Jubaland oo si buuxda u garab istaagtay Puntland, kuna eedeysay Xasan Sheekh hurinta colaad
05 Aug 2026 (Puntland.com) Jubaland ayaa si buuxda u garab istaagtay Puntland, iyadoo ku eedeysay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh uu hurinayo colaad hubeysan oo Soomaaliya dib u dhac ku ridaya, hubka iyo ciidankana la dhexgalinayo dano siyaasadeed, halkii lagu wajihi lahaa kooxaha Argagixiso.
Jubaland ayaa bogaadisay talaabooyinka ay qaadeen shacabka iyo dowladda Puntland, oo ay sheegtay in ay jiritaankooda ilaa Midnimadooda ku difaacdeen.
