Bosaso oo ay gaareen ciidamo dheeraad ah xaggee ku wajahan yihiin?
05 Aug 2026 (Puntland.com) Magaalada Bosaso ayaa waxa gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan ciidamada dawladda Puntland, taas oo aysan caddayn u jeedada ay gaareen halkaas iyo inay howlgalka ay fulinayaan.
Waxaa Bosaso ku taal xerada ugu weyn ee ciidanka PSF oo maanta dawladda Puntland kala wareegtey xeradoodii ku taalay magaalada Gaalkacayo.
Xukuumadda Puntland ayaa waxay sheegtay in ay laba cisho ku soo af-jarayso ciidan kasta oo ka tirsan DFS oo jooga deegaanadeeda.