Dawladda Puntland oo faahfaahisay dagaalka Gaalkacyo ee xerada PSF kuna qabatay 101 maxaabiis ah
05 Aug 2026 (Puntland.com) Dawladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay howlgalkii ay qaaday, Maxaabiis 101 qof, oo ay kujiraan saraakiishii usareysay halkan, Dhaawac 60 qof, Hub nooc kasta leh, gaadiid iyo Qalabkii Booliska Soomaaliya ay dalalka dibadu ugu deeqeen gaar ahaana Shiinaha, kuwaas oo aan horey loo siinin Puntland laakiin ay maanta heshay.
Maxaabiista ayey ku jiraan Giijaale Cabdi Baydhabo, Taliyihii xerada Gaalkacyo Baariyoow, ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid iyo sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliyeed & lixdan dhaawac ah.
“Ciidanka Difaaca Puntland waxay uga digayaan dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha hubaysan ee weli ku sugan deegaannada kala duwan inay si degdeg ah isugu dhiibaan Dawladda Puntland, kuna soo laabtaan dariiqa sharciga, ciddii diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.” — Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland.
