Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka hadlay dagaalkii kadhacay Gaalkacyo “Waxan si adag u cambaareynayaa xilkasnimo darrada MD muddo dhaafka ah oo si toosa uqaadaya masuuliyadda …rabshadaha hubeysan ee kataagan Gaalkacyo”
05 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo ayaa yiri”Waxaan si adag u cambaareynayaa xilkasnimo darrada Madaxweynaha muddo dhaafka ah, Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu si toos ah u qaadaya masuuliyadda iyo talo xumada xiisadaha siyaaasadeed & rabshadaha hubeysan ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan Magaaladda Gaalkacyo.
