Xisbiga Himilo Qaran “Xisbigu wuxuu cadaynyaa khataraha maanta dul hogaynaya jiritaanka qarannimada & dowlad dhiska Soomaaliyeed inuu masuul ka yahay Madaxweynaha sharcidarrada ku jooga Xasan Sheekh”

1a1b2

25 Aug 2026 (Puntland.com) “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aaminsan yahay dhibaatada ka aloosan dalka Soomaaliya inay salka ku hayso ku tumashada shuruucda/xeerarka dalka iyo la’aanta heshiis siyaasadeed, taasoo dhaawacday kalsoonida, midnimada, wada jirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sababtayna amni darro, colaado sokeeye iyo burbur dhaqaale oo baahsan.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu caddaynyaa khataraha maanta dul hogaynaya jiritaanka qarannimada iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed inuu masuul ka yahay Madaxweynaha sharcidarrada ku jooga Villa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.”

About The Author