Sawirro: Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Badda Puntland PMPF oo soo xiray tababar muddo socday oo la siiyay saraakiil xigeenno ka tirsan Ciidanka PMPF
27 Aug 2026 (Puntland.com) Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Badda Puntland PMPF Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa soo xiray tababar muddo socday oo la siiyay saraakiil xigeenno ka tirsan Ciidanka PMPF, kaas oo diiradda lagu saarayay hoggaaminta ciidanka, maamulka iyo kobcinta awoodda hoggaamineed ee saraakiisha.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha hoggaamineed ee saraakiisha Ciidanka PMPF, iyadoo xoogga lagu saarayay sidii saraakiishu u yeelan lahaayeen karti ay ku hoggaamiyaan ciidanka, u qorsheeyaan hawlgallada, una qaadaan masuuliyadaha kala duwan ee ciidanka.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Dugsiga Tababarka PMPF, Gaashanle Cabdirisaaq Maxamuud Mire (Angoola), taliyeyaasha ururrada kala duwan ee Ciidanka PMPF iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Taliska Guud ee Ciidanka.
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay natiijooyinka tababarka iyo aqoonta ay saraakiishu ka kororsadeen muddadii ay ku jireen dugsiga. Saraakiisha tababarka dhammaysatay ayaa lagu boorriyay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen uga faa’iideeyaan gudashada waajibaadka loo igmaday iyo hoggaaminta ciidanka.
Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka PMPF, Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay muhiimad gaar ah siiyaan hoggaamin ku dhisan anshax, masuuliyad, qorsheyn iyo ilaalinta nidaamka ciidanka. Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in sarkaalka ciidanku noqdo tusaale wanaagsan oo ay ciidamadu ku daydaan.
Tababarkan ayaa xoojinaya qorshaha Ciidanka PMPF ee lagu horumarinayo tayada iyo awoodda saraakiisha, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, maamulka iyo diyaarinta ciidanka ee gudashada waajibaadka amni iyo difaac.








