Wasiir Maxamed C/wahaab oo kahadlay Khariiradda DFS ”Waxaa ballaartey oo dhul & dad lagu darey Maamulada Galmudug & Hirshabeele”
27 Aug 2026 (Puntland.com) Wasiir hore ee dawladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo kahadlay labada Khariiradood ee uu maamulka Xasan Shaaciyey ayaa sheegay in kaliya uu dhul iyo dad ku daray labada maamul eee Beesha Xasan Sheekh degto.
”Waxaa ballaartey oo dhul & dad lagu darey Maamulada Galmudug & Hirshabeele” wasiir Cabdiwahaab
Hoos ka akhriso qoraalka wasiirka hoosna ka eeg Khariiradaha maamulka Xasan Sheekh:
Maxey tahey farriinta ku duugan Khariidadaan sida rasmiga ah uga soo baxey wasaaradda waxbarashada Federalka markii 2aad asbuucaan:
1. In madaxdii iyo hay’adihii Dowladda Federaalku aysan aaminsaneen Nidaamkii Federaalka oo ay ka shaqeynayaan kicin xasarado siyaasadeed iyo burburinta hanaanka Federaalka dalka.
2. In maamulka koonfur Galbeed laga jarey Gobalka Shabeelada Hoose oo lagu darey maamulka Hirshabeele.
2. In Gobalada Sool iyo Sanaag ay ka midyihiin maamulka Somaliland oo aan loo aqoonsaneen Waqooyi Bari.
3. In Gobalka Bari laga jarey Puntland oo loo baxshey maamul gobobleedka Waqooyi Bari
4. In ay Puntland u aqoonsanyihiin gobalka Nugaal oo Kali ah.
5. In waqooyiga Gobalka Mudug ee dhanka Puntland lagu darey maamulka Galmudug.
6. In Jubaland laga jarey degmooyinka Jilib iyo Jamaame, walina aan cid la siin.
7. In Jubaland laga jarey degmada Badhaadhe iyo qaybo ka mid ah Degmada Kismanyo, walina aan cid la siin.
8. In Gobalka Awdal laga jarey maamulka Somaliland, walina aan cid la siin.
9. Waxaa ballaartey oo dhul iyo dad lagu darey Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele, Alle ha u barakeeyee.
10. Waxaa mar walba heehaabaya oo hadba meel loo rarayaa maamulkii Waqooyi Bari.

