Muuqaal: Hadaljeedintii Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan guud la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Garacad ee Gobolka Mudug
28 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan guud la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Garacad ee Gobolka Mudug.
Kulanka oo ah is-xogwareysi, waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda degsiimada Garacad, dhinacyada nabadgelyada, la dagaalanka denbiyadda ka dhaca badda ee Burcad Badeedda, horumarinta iyo maalgashiga mashaariicda horumarineed ee ka socda Garacad.
Madaxweynaha ayaa dadweynaha reer Garacad ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka sida horumarinta adeegyada bulshada iyo wax ka qabashada saameynta Abaaraha iyo Bacaadku Ku yeesheen Garacad iyo deegannada ku hareeraysan.