Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan is-xogwareysi & talo ururin ah laqaatay masuuliyiinta & wafdiga kuweheliyay safarka shaqo ee Gobolka Mudug
28 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan is-xogwareysi iyo talo ururin ah la qaatay masuuliyiinta iyo wafdiga ku weheliyay safarka shaqo ee Gobolka Mudug
Xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland ee qeybta ka ahaa safarka, ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbinta kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanayeen bulshooyinka deegaannada la booqday ee Gobolka Mudug, si loogu kuurgalo xaaladaha nabadgelyada , horumarinta adeeygada bulshada iyo guud ahaan baahiyaha mudnaanta leh.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shaqada ay qabteen Guddiga Dowladda ee safarka ku Weheliyey, wuxuuna faray in la weeleeyo tallooyinkii, warbixinihii iyo baahiyihii ay soo gudbiyeen bulshooyinka la booqday, si loo waafajiyo qorshaha waxqabad ee Dowladda Puntland ee Gobolka Mudug.






















