Burcadbeedda Soomaalida oo siidaayey markabka MV Lutuf oo u rarnaa dawladda Turkiga

1a1y

29 Aug 2026 (Puntland.com) Burcadbeedda Soomaalida ayaa siidaayey markabka MV Lutuf oo sita calanka Cemeroon, ka dib markii laga qaatay madax-furasho, sida ay tilmaameen ilo deegaanka ah.

Markabka MV Lutuf ayaa 17-kii Agoosto 2026 lagu qafaashay meel u dhow xeebaha degmada Eyl ee Puntland.

In kasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn waxa la tibaaxay in markabku u raran yahay xarunta Turkiga ee Muqdisho, waxaana Puntland ay ku eedeysey Ankara duqaymo dad lagu diley oo ka dhacay xeebta Nugaal.

Burcadda ayaa weli xeebaha Gobolka Nugaal ku haysta ilaa shan markab oo kale oo sida shidaal & badeecooyin kale, waxaana badi saaran shaqaale Hindi ah.

About The Author