Maamulka Xasan Sheekh oo sheegtay in iyaga & Turkiga ay xoog ku furteen marka MV Lutuf ee lagu haystay xeebta Nugaal ee Puntland ayna dileen 14…
29 Aug 2026 (Puntland.com) Maamulka Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in iyaga iyo Turkiga ay xoog ku furteen marka MV Lutuf ee lagu haystay xeebta Nugaal ee Puntland, sidoo kale waxau sheegteen inay fuliyeen duqaymihii dadka lagu diley ee ka dhacay halkaasi.
Maamulka Muqdisho ayaa waxay sheegteen in dadka la laayey ay ahaayeen burcad-badeed iyagoo tirada ay dileen ku sheegay 14 qof, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa warbaahinta qaar ka sheegey in dadka la laayey ay ahaayeen kalluumeysato.
