Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo warbixinno argagax leh ka soo saaray xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya
29 Aug 2026 (Puntland.com) Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa warbixinno argagax leh ka soo saaray xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya
Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa wajahaya hoos-u-dhac iyo culaysyo isa soo taraya, sida lagu sheegay warbixinno cusub oo ay soo saareen Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Warbixinta Xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka daabacay May 2026 ayaa xustay in kobaca dhabta ah ee wax-soo-saarka guud ee dalka (Real GDP Growth) uu ka soo dhacay 4.1% oo uu ahaa sannadkii 2024, halka uu sannadkii 2025 gaaray 3%, sida ku xusan bogga 16aad ee warbixinta. Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna xusay in kobaca dhaqaalaha dalku uu hoos u sii dhacayo sannadkan 2026, uuna gaarayo 2.8%, sida ku xusan bogga 16aad ee warbixinta.
Sida ku xusan bogga 9aad ee Warbixinta Bangiga Horumarinta Afrika ayaa xustay in dakhliga ganacsiyada dalku uu hoos u dhacay 27% hoorrantii sannadkan 2026, halka warbixinta Bangiga Adduunkuna ay xustay in ay hoos u dhac ku yimid wax-iibsiga gaarka ah ee qoysaska Soomaaliyeed, taas oo ka soo hoobatay 8.8% oo ay ahayd sannadkii 2024, halka ay sannadkii 2025 gaartay 3.1%, sida ku xusan bogga 16aad.
Bangiga Adduunku wuxuu sidoo kale sheegay in sicirbararku ka kordhay 3.3% oo uu ahaa sannadkii 2024, halka uu sannadkan ilaa 3.7%, taas oo kordhisay qiimaha cuntada iyo adeegyada aasaasiga ah ee nolosha. Warbixintu waxay sheegtay in sicirbararku uu sannadkan 2026 gaarayo 6%, sida ku xusan bogga 16aad.
Warbixinta Bangiga Adduunku waxay xustay in ay gaajo iyo cunto-yari ba’an ay wajahayaan dad hor leh. Dadka wajahaya cunto-yari oo sannadkii 2025 ahaa 4.6 milyan ayaana sannadkii 2026 gaaray 6.5 milyan, taas oo muujinaysa in dadka la daalaadhacaya sanboolnimada iyo cuntoyarida ay sannadkii la soo dhaafay kaliya kordheen 41%, sida ku xusan bogga 13aad ee warbixinta. Tani waxay ka dhigan tahay in 1.9 milyan oo ruux oo hor leh ay galeen xaalad bini aadamnimo oo aysan heli karin wax ay cunaan.
Labada warbixin waxay isku raacsan yihiin in dhaqaalaha Soomaaliya uu wajahayo hoos u dhac xooggan, koror ku yimid sicirbararka, dakhliga ganacsiyada iyo wax-iibsiga bulshaduna ay sii yaraanayaan.



