Puntland oo si adag u cambaareysay madaxda DFS & Dowladda Turkiga oo ay sheegtay inay madax-furasho kabixiyeen siidaynta Markabka lagu haystay xeebaha Puntland
29 Aug 2026 (Puntland.com) Dawladda Puntland ayaa waxay si adag u cambaareysay in madaxda DFS iyo Dowladda Turkiga ay lacag madax-furasho ah ka bixiyeen sii daaynta Markabka lagu haystay xeebaha Puntland, talaabadaas oo ay ku tilmaamtay meel ka dhac ku ah dadaallada lagula dagaallamo burcad-badeedda.
Puntland waxay Turkiga ku eedeysay inuu 18–20-kii August 2026 duqeymo ku dilay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa xeebaha Garmaal iyo Jiifle, xilli ay burburiyeen doonyo kalluumeysi oo ay marmarsiinyo uga dhigteen inay ka hortagayeen dhalinyaro burcad-badeedda ku biireysa.
Dawladda Puntland ayaa waxay ugu baaqday Beesha Caalamka (Midowga Yurub, Mareykanka, iyo saaxiibada kale) inay sii adkeeyaan iskaashiga lagula dagaallamo burcad-badeedda iyo dambiyada bahriga ah, iyadoo xustay inaan burcad-badeedda lagu abaal-marin lacag madax-furasho ah.
