Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya oo ku laabtay dalkiisa kadib hal sanno uu ujoogey Muqdisho
29 Aug 2026 (Puntland.com) Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya Suleymaan Dedefo ayaa ku laabtay dalkiisa, ka dib hal sanno uu u joogey Muqdisho, waxaana sagootin ay safaaraddiisu u samaysay lagu sheegey in uu idleystey mudo xileedkiisii.
DFS ayaa 2024 cayrisey safiirkii Itoobiya, ka dib is-afgaradkii badda ee dhexmaray Hageysa & Addis Ababa, iyadoo sannad ka dib markii ay degtey xiisaddii Muqdisho iyo Addis Ababa ay dawladda Itoobiya soo magacaabay safiirka maanta tagey.
Wali dawladda Itoobiya uma soo magacaabin Soomaaliya safiir cusub oo bedela safiirka tagay, waxaase la ogaan waqtiyada soo aadan, inkastoo ay tahay in la magacaabo inta uusan tagay safiirkii hore.