Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo gurigiisa la dul dhigey ciidamo kadib markii uu gudagalay inuu furo kalfadhiga golaha oo ku ridayo…..
30 Aug 2026 (Puntland.com) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Maxamed Gacal ayaa gurigiisa la dul dhigey ciidamo ka dib markii uu guda-galay in uu furo kalfadhiga golaha, isaga oo doonaya in uu rido xukuumadda madaxweyne Qoorqoor.
Xiisaddan ayaa imanaysa xilli Maxkamadda-sare ee dalku laashey doorashadii qof iyo cod ee Xasan Sheekh ka qabtay Galmudug oo mar kale lagu celinayo.
Guddoomiye Gacal ayaa isagu dhawaan muujiyey in aanu ku qanacsanayn, hanaanka maamulka Xasan Sheekhu maaraysay doorashada maamulka, xilli uu ka hadlayey Muqdisho.