Golaha Mustaqbalka oo si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday guriga Gen. Mahad Cabdiraxmaan ee Doolow

1a1a1

04 Sep 2026 (Puntland.com) Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday guriga Gen. Mahad Cabdiraxmaan ee Doolow, iyagoo sheegay in ay in lagu fuliyey diyaarado aan duuliye lahayn oo shisheeye leeyahay, ayna tahay Talaabo halis ku ah hubka caalamiga ah ee loogu talogalay la dagaalanka Argagixisada.

Goluhu wuxuu ku baaqay baaritaan madax-bannaan si loo ogaado cidda ka dambeysay weerarka iyo awood shisheeye ee loo adeegsaday. Waxa kale oo uu ka digay in hubka iyo taageerada loo siiyo DFS la dagaalanka Argaixidada, loo weeciyo u adeegsiga khilaafaadka siyaasadda gudaha Soomaaliya, taas oo ay ku eedeeyeen DFS.

Haddii hubka, drones‑ka, iyo sirdoonka caalamiga ah loo rogo aalad lagu cabburiyo mucaaradka, waxay khatar gelinaysaa oo keliya xasilloonida Soomaaliya ma aha—balse amniga gobolka oo dhan.

Galaya ayaa qoraalka ku sheegay in Diidmada Dowladda Federaalka ee mas’uuliyadda dhacdadan, iyo sheegashada ah in qaraxu ka yimid walxo qarxa oo guriga lagu diyaarinayey, waxay abuureysaa halis siyaasadeed oo fog. Haddii la aqbalo sheekadan, waxay noqon kartaa marmarsiiyo lagu daboolo weeraro mustaqbalka lagu qaado mucaaradka, iyadoo lagu eedeynayo dhibbanayaasha in ay iyagu sababeen qaraxyada.

Galaha ayaa si gaar ah uga walaacsan tuhunka ah in awoodo militari ee shisheeye—gaar ahaan kuwa lagu taageero la dagaallanka Al‑Shabaab—lagu adeegsan karo murannada siyaasadeed ee gudaha. Haddii ay run noqoto, waxay dhaawici kartaa kalsoonida shacabka, waxayna wiiqi kartaa xiriirka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.

About The Author