Muuqaal-Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo fagaaraha deegaanka Dharjaale kula hadlay shacabka deegaanka oo soo dhaweeyay waftiga Madaxweynaha

1a1b12

05 Sep 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaninayo ayaa maanta lagu Soo dhoweeyay deegaanka Dharjaale ee Degmada Iskushuban ee Gobolka Bari, oo bar-bilow u ahaa howgalka Calmiskaad.

Madaxweynaha ayaa fagaare Kula hadlay bulshada deegaanka Dharjaale, isagoo uga mahadceliyay sidii weyneyd ee ay isu garab taageen Howlgalka Oo ay xudun u aheyd Dharjaale, oo uu ka bilowmay weerarkii u horeeyay.

Waxaa uu Madaxweynuhu Dhagax dhigay taalada Shuhaadqda Calmiskaad, oo laga dhisayo bartamaha Dharjaale si loogu xasuusto halganka dhabta ah ee ay galeen dadka reer Puntland Dowlad iyo Shacab si ay dhulkooda uga ciribtiraan Argagixisada.

About The Author