Sawirro: Degmada Doolow oo uu ka dhacay  Mudaaharaad Balaaran oo looga horjeeda Faragalinta Turkiga & Masar & duqeyntii Gen Shub

1a1a1

05 Sep 2026 (Puntland.com) Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacay  Mudaaharaad Balaaran oo looga horjeeda Faragalinta Turkiga iyo Masar, dadka deegaanka ayaana muujiyey dareenkooda ku wajahan in ay ka yihiin duqeyntii habeen kahor magaaladan loogu geystay Gen Shub.

Gudomiyaha Degmada Doolow Maxamad Xuseen Cabdi Lafey Iyo Gabi Ahaan Maamulka Degmada Ayaa Kasoo Qeyb Galay Mudaaharaadka, iyadoo Shacab wata Calanka Turkiga ay dereenkooda ku cabireen sisay uga horjeedaan farogelinta ay gudaha Soomaaliya ka wado dawladda Turkiga eee uu hogaamiyo Erdogan.

Mudaharaadayaasha ayaa waxaa fagaaraha degmada kula hadlay gudoomiyaha Degmada iyo Masuuliyiin kale.

Mudaaharaadkaan ayaa looga soo horjeedaa duqeyntii lagu beegsaday guriga Jeneraal Shub ee ay fulisay dowlada Federaalka.

About The Author