Sawirro: Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay dayactirka Daartii Taariikhiga aheyd ee uu ka arrimin jiray Boqor Cismaan

1a1a

07 Sep 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax dhigay Daartii Taariikhiga aheyd ee uu ka arrimin jiray Boqor Cismaan, oo hadda lagu sameynayo dib u dayactir iyadoo laga dhigayo Madxaf lagu kaydiyo taariikhda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay Masaajidka Taariikhiga ah ee Daarta Boqor Cismaan oo dib loo dhisayo, Daarta Boqor Cismaan iyo Masaajidkan ayaa ahaa meeshii u horeeyay Soomaaliya ee Talyaanigu uu Duqeyn Maraakiib ku weeraray.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda kaga dhawaaqay in la sameynayo Hay’ad ka shaqeysa ururinta iyo illaalinta Taariikhda Puntland, si aysan u lumin taariikhda dadka reer Puntland.

About The Author