Sawirro: Munaasabad sagootin ardaydii.. & mahadacelinta macalimiinta ah oo lagu qabtay Dugsiga Sare ee Bursaalax
11 Sep 2026 (Puntland.com) Munaasabad sagootin ah oo lagu qabtay Dugsiga Sare ee Bursaalax ee degmada Bursaalax, taas oo lagu sagootinayey ardaydii sanad-dugsiyeedkii 2025–2026 ee fasalka 4aad looguna mahadcelinayey maamulka iyo macalimiinta dugsiga.
Munaasabadda ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, maamullada dugsiyada kale, macallimiinta, waalidiinta iyo marti-sharaf kala duwan.
Marti-sharaftii ka soo qayb gashay waxaa ka mid ahaa Isimmada dhaqanka oo uu hogaaminayey Amiir maxamuud Yuusuf Ciise, Guddoomiyaha Degmada, xildhibaannada Golaha Deegaanka madaxa ururka haweenka iyo wakiillo ka socday qaar ka mid ah jaamacadaha gobolka Mudug.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa ardayda 4aad loo jeediyey hadallo dhiirrigelin, waano iyo talooyin ku saabsan marxaladda cusub ee waxbarasho iyo nololeed ee ay u gudbayaan.
Sidoo kale, waxaa lagu bogaadiyey dadaalkii iyo waqtigii ay ku bixiyeen waxbarashadooda, iyadoo loo rajeeyey in ay noqdaan jiil leh aqoon, akhlaaq iyo karti.
Ugu dambayn, maamulka dugsiga iyo dhammaan ka qaybgalayaashu waxay ardayda u rajeeyeen guul iyo mustaqbal ifaya, iyagoo Allah SWT uga baryey in uu u fududeeyo imtixaannada iyo tallaabooyinka xiga ee noloshooda.
Hambalyo iyo guul ayaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda Form Four-kii hore ee Bursalah Secondary School.






















































