Sawirro: Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiray dufcadaha 11-aad iyo 12-aad ee Ciidanka Booliska Puntland
11 Sep 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadaha 11-aad iyo 12-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, kuwaas oo tababarro ku qaatay Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo iyo Kulliyadda Tababarka Ciidanka ee General Carays ee deegaanka Godod, ee degmada Gaalkacyo.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, Guddoonka Gobolka Bari iyo kan Degmada Carmo, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland iyo marti-sharaf kale.




























