Sawirro: Gudoomiyaha Bosaso oo xafiiskiisa kuqaabilay masuuliyiin kasocday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR
27 Sep 2026 (Puntland.com) Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.
Kulanka ayaa ahaa xog-is-weydaarsi guud, iyadoi sidoo kale laga hadlay xaaladda iyo baahiyaha dadka barakacayaasha ah iyo magangelyo-doonka ku sugan Boosaaso, iyo arrimaha la xiriira qaxootiga.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu eegay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hay’adaha ay khusayso arrimaha barakacayaasha iyo qaxootiga.
Masuuliyiinta UNHCR ee Guddoomiyuhu qaabilay waxaa ka mid ahaa Deputy Representative MS Song, Field Officer MS Winnie Kakuba, Bosaso Protection Officer Zainab Suleiman iyo Thein Winn, Assistant Protection Officer.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimayaal ka tirsan Dowladda Hoose iyo Masuuliyiin kale.





