Sawirro: Maxjarka Buubi oo isu diyaarinaya inuu noqdo xarun weyn oo dhoofinta xoolaha Geeska Afrika ah

1a1a1

27 Sep 2026 (Puntland.com) Maxjarka Buubi ee Som Quarantine, oo ku yaalla gobolka Mudug, Puntland Soomaalita ayaa wada qorshe uu ku doonayo inuu noqdo mid ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee dhoofinta xoolaha nool ee Geeska Afrika, iyadoo Dekedda Garacad laga hirgelinayo marin ganacsi oo xoolaha gobolka loogu dhoofiyo suuqyada caalamka.

Tallaabo muhiim ah oo arrintan lagu xoojinayo ayaa 24-kii September ka dhacday magaalada Jigjiga, halkaas oo ay ku kulmeen madaxda Som Quarantine, masuuliyiin ka socday dowladda Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, ganacsatada xoolaha, ururrada xoolo-dhaqatada iyo hay’ado caalami ah.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa ganacsiga xoolaha ee Itoobiya iyo Soomaaliya, loo ballaarin lahaa suuqyada caalamiga ah, loona dhisi lahaa nidaam casri ah oo ilaaliya tayada xoolaha iyo danaha xoolo-dhaqatada.

Waxaa ka qaybgalay Wasiirka xanaanada Xoolaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Dr. Abdikadir Imaan, Kibre Mulat oo matalayay iskaashatada dhoofinta xoolaha Itoobiya, Ahmed Weli oo ka socday Rugta Ganacsiga Dowlad Deegaanka Soomaalida, Musa Abdi oo ka socday iskaashatada xoolaha, Ali Jama Ali oo matalayay Dekedda Garacad, iyo masuuliyiin kale oo ka socday dowladda federaalka Itoobiya iyo hay’adaha daneeya horumarinta ganacsiga xoolaha.

Madaxa Som Quarantine ayaa shirka ku soo bandhigay warbixin ku saabsan Maxjarka Buubi iyo qorshaha xarunta. Maxjarka ayaa loo diyaariyay hannaan iyo qalab casri ah oo waafaqsan shuruudaha caafimaadka xoolaha, adeegyada daryeelka iyo naaxinta xoolaha, iyo fududeynta dhoofinta xoolaha ee suuqyada caalamiga ah.

Kulanka waxaa la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga xoolaha ee xuduudaha Itoobiya iyo Soomaaliya, lana sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ah. Guddiga ayaa ka shaqayn doona tababarrada, aqoon-is-weydaarsiyada, tayeynta xoolaha iyo horumarinta dhoofinta xoolaha nool.

Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale isla qaatay in la sameeyo iskaashi joogto ah, dabagal iyo is-dhaafsi khubaro si loo horumariyo tayada iyo tartanka xoolaha gobolka ee suuqyada caalamka.

Ugu dambayn, ka qaybgalayaashu waxay u mahadceliyeen Mercy Corps oo isku dubbariday kulanka, iyo hay’adaha taageeray oo ay ka mid yihiin IGAD, AFD France, Helvetas Ethiopia iyo Swiss Agency for Development and Cooperation (SDC).

Hirgelinta qorshahan ayaa la filayaa inay xoojiso isku xirka xoolaha Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo Maxjarka Buubi iyo Dekedda Garacad ay door muhiim ah ka qaadanayaan marin cusub oo xoolaha Geeska Afrika loogu gudbiyo suuqyada caalamiga ah.

About The Author