Itoobiya oo ku dhawaaqday in ciidamada Eritrea ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan dagaalka gobalka Canfarta

1a1a7

28 Sep 2026 (Puntland.com) Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ciidamada Eritrea ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan dagaalka gobalka Canfarta, iyagoo adeegsanaya hubka culus,iyadoo ujeeddadu tahay in la gooyo jidka isku xiraya Itoobiya iyo Jabuuti, sidaas waxaa ku dhawaaqay madaxweynaha Ismaamulka Canfarta ee Itoobiya.

Madaxweynaha maamulka Canfarta wuxuu dagaalka ku tilmaamay mid ka weyn awoodda ciidamadooda, isagoo ku eedeeyay Eritrea isku day ay xuduudaha xoog ugu beddelayso, wuxuuna ugu baaqay Midowga Afrika inuu soo farageliyo.

About The Author