Dawladda KG ee Aadan Madoobe oo ku dhawaaqday in ay Baydhabo ka saartay ciidamadii saaka soo galay

1a1a5

28 Sep 2026 (Puntland.com) Dawladda Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqday in ay magaalada Baydhabo ay ka saartay ciidamadii saaka soo galay, xaaladduna hadda deganaan kusoo laabtay, ciidamada DFS ayaa meelaha qaarkood dib loogu arkayaa.

Duqeymo culus ayaa la maqlay, guryaha qaarkood ayaana la dumiyey,sida ay sheegayaan ilowareedyo gudaha kusugan, dowladda Faderaalka & Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyey dhinaca Laftagareen in ay kaashadeen kooxo Argagixiso, hayeeshee dhinaca kale ayaa diiday eedayntaas.

Saakadii hore cid kasta awoodeeda hubeed ayay adeegsatay, maanta ayaana la arkay Drone ay wateen dhinaca magaalada soo galay, waana markii 1aad tan oo ka dhignaanaysa isbedel kuyimi qaabeysan dagaalada gudaha ee Soomaaliya.

About The Author