Deg Deg: Ciidamada Badda Puntland ee PMPF oo gacanta kudhigay markabka MTHonour oo ay koox burcad ahi ku haysteen degmada Bandarbayla
29 sep 2026 (Puntlandi.com) Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa gacanta ku dhigay markabka MTHonour oo ay koox burcad ahi ku haysteen degmada Bandarbayla.
Markabkan oo ku gooshayay calanka Palau oo ahaa nooca shiidaalka qaada, wuxuu urarnaa ganacsato reer Puntland ah, kooxaha burcadka ah ayaa 21 April ee sannadkaan qabsaday isagoo markaas ku wajahnaa Xamar.
Hawgalka lagusoo qabtay markabka oo ahaa mid qorshaysan ayay ciidamadu si guul leh ugu guulaysteen, waxaa jira dhaawac 2 kamida kooxaha burcadka markabka haystay, halka maxaabiis ahaan loo qabtay dhammaan kooxdii burcadka ahayd ee markabka haystay.