Dawladda Puntland oo soo saaray amar ah in aan gargaar aan soo marin habraaca saxda ah ee dowlada aan lagu bixin karin Gobollada iyo degmooyinka
29 Sep 2026 (Puntland.com) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Hon. Abdi Hirsi Ali – Qarjab, iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland, Hon. Cabdinaasir yuusuf xaaji , ayaa si wadajir ah usoo saaray war-murtiyeed isugu jira digniin iyo wargelin ujeeddaduna tahay in aan gargaar aan soo marin habraaca saxda ah ee dowlada puntland aan lagu bixin karin Gobollada iyo degmooyinka dowladda puntland.
