Khasaaraha ka dhashay furashadii Markabka Honour 25 ee Ciidan Puntalnd

1a1a6

29 Sep 2026 (Puntland.com) Howlgalkii Ciidanka Puntland uu ku soo furtay Markabka Honour 25 oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed oo shidaal sidey burcadana haysteen mudooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa kasoo baxaya warar hordhac ah oo la xiriira khasaare ka dhashay, waxaana markabka markii gudihiisa la galay loogu tagey in ay Burcad Badeedu dileen 5 kamid ah shaqaalaha Markabka.

Ciidanka ayaa qabtay 9 kamid ah Burcad Badeedan oo markabka saarnaa, iyagoo qaar bariga kusugan la go’odoomiyey, lana baacsanayo warar ayaa sheegaya in ay dhimasho iyo dhaawacba ay jirto oo Burcada ah.

Aroornimadii hore ayay sheegeen in ay is dhiibayaan, iyagoo qariyey xogta ah in ay dileen shaqaalaha Markabka, taas oo hadda la ogaaday.

Puntland ayaa horey u sheegtay in aysan Burcad Badeed marnaba la gorgortameyn oo ay xoog ku maquuninayso, taas oo bilowgii kooxaha mashruuca leh u arkeen talaabo aan la qaadi karin.

About The Author