DEG DEG Markabkii 3aad oo ay ka dageen burcad-badeeddii ku haystay meel u dhow xeebta deegaanka Hulcaanood ee gobolka Karkaar
29 Sep 2026 (Puntland.com) Markabkii saddexaad ayay ka dageen kooxihii burcad-badeedda ahaa ee ku haystay meel u dhow xeebta deegaanka Hulcaanood ee gobolka Karkaar.
Kadib hawlgal oogan oo ay qaadeen Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayey burcad-badeedda galabta ka degay markabka, iyagoo ka cararaya howlgallada ay Ciidamada Badda Puntland ka wadaan xeebaha gobolka.
Kooxda burcad-badeedda ayaa markabka ka dejisay dhammaan shaqaalihii saarnaa, kuwaas oo ay ku wareejiyeen dad shacab ah oo ku nool deegaanka Hulcaanood.
Howlgallada Ciidamada Dowladda Puntland ayaa xaqiijiyey in aanu jirin markab ay kooxaha burcad-badeeddu ku haystaan xeebaha Puntland. Howlgallada ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa amniga badda Puntland.