WARGELIN SHACABKA PUNTLAND HAWLGALLADA KA DHAN KA AH BURCAD-BADEEDDA

1a1a8

29 Sep 2026 (Puntland.com) Ciidamada Badda Puntland waxay bulshada Puntland iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ku wargelinayaan in ay bilaabeen hawlgallo lagu xoojinayo amniga iyo badbaadada xeebaha Puntland, gaar ahaan ka hortagga falalka burcad-badeedda iyo khataraha amni ee la xiriira. Hawlgalladani waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu ilaalinayo xeebaha, hantida iyo badbaadada shacabka iyo dadka isticmaala badda.

Ciidamada Badda Puntland waxay digniin adag u dirayaan kooxaha ku howlan ama damacsan falalka burcad-badeednimo, iyagoo caddeynaya in tallaabooyin sharciya laga qaadidoono cid kasta oo ku lug yeelata falal khatar gelinaya amniga iyo nabadgelyada badda. Wax caqabada kuma noqondoonaan falkasta oo ay damcaan Burcad Badeeddu inay ku joojiyaan halwgallada ka dhan ka ah, waxa keliya ee ay kororsanayaan falalka sharciga baalmarsan oo ay ku mutaysandoonaan ciqaab adag. Shacabka waxaa sidoo kale loogu baaqayaa inay ka fogaadaan wax kasta oo gacan siinaya ama fududeynaya falalkaas.

Wadashaqaynta shacabka iyo ciidamada ayaa muhiim u ah xaqiijinta amniga xeebaha. Bulshada ku dhaqan deegaannada xeebaha, kalluumaysatada, ganacsatada iyo dhammaan dadka isticmaala badda waxaa lagu boorrinayaa inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay si degdeg ah u soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyo ama falal looga shakisan yahay burcad-badeednimo.

Ciidamada Badda Puntland waxay xoojinayaan baaqooda ku aaddan wadaagista xogta iyo feejignaanta bulshada, maadaama xog sax ah oo waqtigeeda lagu helo ay si weyn uga qayb qaadan karto ka hortagga khataraha iyo ilaalinta badbaadada bulshada. Qof kasta oo haya xog la xiriirta falal burcad-badeednimo waxaa lagu boorrinayaa inuu si masuuliyad leh ula wadaago hay’adaha amniga ee ay khusayso.

About The Author