Sawirro: MD Lugatoor, oo si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland
30 Sep 2026 (Puntland.com) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland, oo laga hirgelinayo magaalada Garowe.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland, Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdixakiin Maxamed Cismaan, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.
Dhismaha xaruntan cusub ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo kaabayaasha Wasaaradda, laguna xoojinayo awoodda hay’adeed iyo habsami-u-socodka hawlaha shaqo ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland.
Mashruuca dhismaha xarunta cusub ayaa la qorsheeyey in lagu soo dhammaystiro muddo hal sano ah, iyadoo xaruntu noqon doonto xarunta dhexe ee Wasaaradda, looguna talagalay in ay si casri ah ugu adeegto waajibaadka iyo hawlaha muhiimka ah ee Wasaaradda.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta wax-soo-saarka beeraha, ballaarinta adeegyada waraabka, taageerada beeraleyda iyo xoojinta sugnaanta cuntada. Dhismaha xaruntan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda Wasaaradda iyo hirgelinta qorshayaasha istaraatiijiga ah ee horumarinta waaxda beeraha iyo waraabka.














