Sawirro: Wasaaradaha Maaliyadda & Kalluumaysiga Puntland oo daah-furay qorshaha ladagaalaanka Kaluumaysiga sharcidarrada ee xeebaha Puntland
30 Sep 2026 (Puntland.com) Mas’uulyiinta labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Kalluumaysiga ayaa daah-furay qorshaha la dagaalaanka Kaluumaysiga sharci-darrada ah ee xeebaha Puntland.
Ujeeddada daah-furka hawlgalka ayaa ah in Ciidamada Bada Dowladda Puntland ee PMPF ay xeebaha Puntland ka ilaaliyaan doonyaha iyo Maraakiibta sida sharci-darrada ah doonaya in ay uga kaluumaystaan talaabna ka qaadan hadii ay arkaan cidii ku xad gudubta.
Munaasabaddan ayaa lagu qabtay Magaladda Bososo waxaana ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga, Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirudowlaha Wasaaradda Beeraha, Gudoomiyaha gobalka Bari. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, Agaasimaha waaxda Canshuuraha Berriga Puntland, Maamule kuxigeenka Furdada, Maamulaha Cashuuraha berriga iyo saraakiisha Ciidanka bada Puntland.
Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo ka hadlay Furitaankii daah-furka ayaa Shaqaalaha labada Wasaaradood Mas’uulyiinta gobollada iyo bulshada xeebaha ugu baaqay in ay Ciidamada la shaqeeyaan si ay ugutaan waajibaadkooda shaqo ee dalka.
Sidoole kale Mas’uulyiintii kale ee ka qaybgalay daah-furka hawlgalka la dagaalaanka Kaluumaysiga sharci-darrada ayaa cod dheer ku sheegay in si wadajir ah Dawladd iyo Shacaba looga qayb qaato hawlgalkan.
Ugu dambeyntii saraakiisha iyo Ciidamada ayaa amar lagu siiyey in ay xoojiyaan hawlgalka la dagaalaanka Kaluumaysiga sharci-darrada ah ayna sharciga horkeenaan doontii ama markabkii bada soo gala isaga oo aan Dowladda Puntland ka hasan warqada ruqsada ah.







