Dowladda Itoobiya oo xirtay safaaradda Eritrea ee Addis Ababa

1a1a2

01 Okt 2026 (Puntland.com) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa kudhawaaqday inay xirtay safaaradda Eritrea ee Addis Ababa, iyadoo ku eedeysay Eritrea falal colaadeed iyo faragelin khatar ku ah amniga qaranka Itoobiya.

Itoobiya waxay sidoo kale 10 diblomaasi oo Eritrean ah siisay “persona non grata”, iyadoo ku amartay in 48 saacadood ay dalka uga baxaan.

Addis Ababa waxay Eritrea ugu baaqday inay joojiso tallaabooyinka ay ku tilmaantay kuwo ka hor imanaya xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo sheegtay inay weli doonayso xasillooni iyo nabad ka dhalata Geeska Afrika.

About The Author