Sawirro: Heshiiska mashruuca biyo saarka Gaalkacyo oo si rasmi ah loo kala saxiixday

1a1a

03 Okt 2026 (Puntland.com) Waxaa si rasmi ah loo kala saxiixday heshiiska mashruuca biyo saarka Gaalkacyo, kaas oo dhex maray Puntland, maamulka degmada Gaalkacyo, Guddiga Horumarinta Degmada iyo shirkadda fulinaysa mashruuca ee TTN.

Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, Guddiga Horumarinta Magaalada Galkacyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxaa fulinaysa shirkadda TTN.

Wasiirka ayaa bogaadiyey mashruucan oo wax weyn ka tari doona maaraynta biyaha roobka ee magaalada, gaar ahaan xilliyada roobabka oo biyaha fariista ay saameyn ku yeeshaan caafimaadka bulshada, isu-socodka dadka iyo gaadiidka, waddooyinka, guryaha iyo hantida shacabka.

Mashruucan ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya biyo-saarista Magaalada Galkacyo, gaar ahaan xilliyada roobabka oo biyaha fariista ay caqabad ku noqdaan qaybo ka mid ah magaalada. Waxaa sidoo kale mashruucan xal looga gaari doonaa biyaha roobka ee muddada dheer saamaynta ku lahaa Cisbitaalka Galkacyo, adeegyada caafimaadka iyo isku socodka cisbitaalka.

Waxaa la filayaa in hirgelinta mashruucani ay wax weyn ka tari doonto hagaajinta biyo-mareennada magaalada iyo yaraynta dhibaatooyinka ka dhasha biyaha roobka.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Mudug iyo Degmada Galkacyo, odayaasha dhaqanka, bulshada deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

About The Author