MD Xasan Sheekh “Itoobiya hal deked & kabadan ayaan u ogolanahay oo heshiis ah, danaha labada dhinac ayaa kudhismaya sidaas”

1a1b2

03 Okt 2026 (Puntland.com) MW Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya hal deked iyo ka badan uu u ogolayahay. Labada dhinac uu danahoodu ku jiro kuna dhismayaan sidaas, isagoo waraysi uu Aljazeera siiyey sidaas ku yiri.

“Itoobiya hal deked iyo ka badan ayaan u ogolanahay oo Heshiis ah, danaha 2da dhinac ayaa ku dhismaya sidaas” Xasan Sheekh

Bilowgii MOU Somaliland ayaa Puntland kusifeysay in DFS ka leedahay dano siyaasadeed oo ay ogoshahay in Itoobiya Marin hesho, ka dibna Heshiiskii Ankara ayaa sidaas lagu go`aamiyey.

Madaxweyne Xasan ayaa u muuqda in uu ogol-yahay saxiixida damaca Abiy, uuse diidanaa in Muuse Biixi uu gaar u yeesho saxiixa, mid la hubo waa in aan MOU-gii Somaliland uusan wali dhimin oo miisaska diblumaasiyada mar kasta la keeno, iyadoo aysan jirin meel Itoobiyaanka isku beeniyeen.

About The Author