Isbahaysiga Xisbiga Xaqsoor iyo Midowga Haybad Qaran oo cambaareeyey weeraraka uu maamulka Xasan Sheekh u qorsheeyey MD hore Sheekh Shariif

1a1a12

11 Okt 2026 (Puntland.com) Isbahaysiga Xisbiga Xaqsoor iyo Midowga Haybad Qaran ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku cambaareeyeen walaacna ay ka muujiyeen bartilmaameedsiga madax hore oo dalka xilal sare kasoo qabtay. Isbahaysigu wuxuu arrintan ku tilmaamay mid dhaawacaysa sumcadda hay’adaha dowladda iyo kalsoonida shacabka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda, Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyo madax kale oo hore ay yihiin arrimo saameyn kara xasilloonida siyaasadeed iyo wadajirka bulshada.

Isbahaysigu wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyey waxa uu ku tilmaamay cabsi gelin siyaasadeed iyo adeegsiga awood dowladeed oo aan waafaqsanayn mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo dowladnimada.

“Isbahaysigu wuxuu garab iyo Gaashaan u noqonayaa madaxweymnihii 7aad ee Jamhuuriyadda oo ah oday Soomaaliyeed oo dalka & dadkaba abaal gashaday” ayaa lau yiyo warsaxaafadeedka Isbahaysiga Xisbiga Xaqsoor iyo Midowga Haybad Qaran.

About The Author