Saraakiisha hay’adda socdaalka Maraykanka oo baaray guriga Ilhan Cumar
12 Okt 2026 (Puntland.com) Saraakiisha hay’adda socdaalka Dowladda Mareykanka ayaa maanta baaray guriga xildhibaan Ilhaan Cumar, iyadoo saraakiisha amniga ay u sheegeen warbaahinmta in baaritaanku ku wajahan yahay xogeheeda socdaalka iyo sida ay ku tagtay dal kaas, xilli ay dhowdahay doorashada Baalramaanka.
Trump ayaa muddo badan ku dheggen gabadhaan oo ah tii u horreysey ee Soomaaliyeed ee ka mid noqota Kongareska Mareykanka.
Ilhaan Cumar oo ka hadashay baaritaankii saaka lagu sameeyay gurigeeda ayaa tiri:
“Waan fiicanahay. Yaan la isku khaldin: tani waa isku day lagu beegsanayo dadka siyaasadda kaga soo horjeeda, laguna hubaynayo hay’adaha federaalka ee fulinta sharciga si loogu adeegsado dano siyaasadeed.
Muddo toban sano ah, Trump wuxuu igu bartilmaameedsanayay been aan sal lahayn iyo ololeyaal sumcad-dil ah. Tallaabadan ugu dambeysa waxay qayb ka tahay sii xoogaysiga ololihiisa cabsi-gelinta siyaasadeed. Ma oggolaan doono in la i aamusiiyo.”