Uganda oo bilowday ka bixitaanka ciidamadeeda ee Koonfurta Soomaaliya

1a1b12

29 Okt 2026 (Puntland.com) Taliyaha Ciidanka Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in Uganda ay bilowday ka bixitaanka ciidamadeeda ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Uganda, Muhoozi Musevani, ayaa sheegay in dalkiisu bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya “Labaatan sanno oo naf-hurid ah ka dib walaaleheenna Soomaaliyeed waan ku wareejinay amnigooda..”

Wuxuu sheegay in Uganda ay amniga Soomaaliya ku wareejinayso ciidamada SNA, kaddib 20 sano oo dhiig iyo naf-hurnimo ah.

Tallaabadani waxay imanaysaa xilli Madaxweyne Xasan Shiikh uu toddobaadkan dhiggiisa Musevani kala hadlay joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya. Ciidamada Uganda ayaa ah kuwa ugu badan ee suga amniga xayndaabka Muqdisho.

About The Author