Madaxweyne Deni “Puntland waxay ka mid tahay Soomaaliya, waxaanse Xasan Sheekh ugu baaqayaa inuu is casilo, dalkana u turo”

1a1a1

31 Okt 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha dawladda Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo la hadlaya PLTV ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh in uu is casilo, maadaama uu sheegay in uu ku fashilmay jihada siyaasadda ee dalka, isku hayn waayey, isaga oo rajo xumo ka muujiyey geeddi-socodka siyaasadda dalka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay Puntland waligeedba dhaqaaqe, waqti iyo dhiigba ku bixinaysay sidii loo heli lahaa dowladnimo Federaal ah oo ay Soomaalidu isku raacsan tahay, taasna ay ka shaqaynayso oo ay jid kasta u marayaan sidii loo hirgelin lahaa.

Madaxweyne Deni “Puntland waxay ka mid tahay Soomaaliya, waxaanse Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu is casilo, dalkana u turo.”

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh inuu jihada dalka khalday, sidoo kalena hadda xaaladdu ay kala tag gaartay oo jidka kaliya u furan yahay in uu is casilo oo xukunka ka tago, dalkana u tudho si uuusan u kala burburin, loona badbaadiyo Jamhuuriyaddii 3aad.

About The Author