Muuqaal: MD Deni oo ugu baaqay MD Xasan Sheekh inuu is casilo, sheegayna in gogosha wada-hadal ee DFS waqti lumis
31 Okt 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha dawladda Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo la hadlaya PLTV ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh in uu is casilo, maadaama uu sheegay in uu ku fashilmay jihada siyaasadda ee dalka, isku hayn waayey, isaga oo rajo xumo ka muujiyey geeddi-socodka siyaasadda dalka.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa dhanka sheegey in gogosha wada-hadal ee Dowladda Federaalka ay mucaaridka u fidisey ay tahay waqti lumis, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in dalka la badbaadiyo, sida uu hadalka u dhigey; “Wax Xasan laga dhowrto ma jirto doorashona ma qaban karo shirarkiisuna waa waqti lumis, waxaan dadka Soomaaliyeed ugu yeedhaynaa wadatashi, Puntland waxba hagran mayso waxay ka shaqaynaysaa danteeda iyo danta Qaranka Soomaaliyeed.”