Sawirro: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Galkacyo ka daahfuray gurmadka caafimaad ee bulshada ay saameeyeen fatahaadaha roobabka El Niño ee magaalada Gaalkacyo & Gobolka Mudug

01 Nov 2026 (Puntland.com) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaab Faroole ayaa maanta magaalada Galkacyo ka daahfuray kooxaha caafimaadka wareega (Mobile Medical Teams) iyo kooxaha buufinta kaneecada, kuwaas oo qayb ka qaadanaya gurmadka caafimaad ee bulshada ay saameeyeen fatahaadaha roobabka El Niño ee magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada Gobolka Mudug.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Madaxa Gargaarka Degdegga ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha bahwadaagta ah.

Kooxaha caafimaadka wareega ayaa adeegyo caafimaad oo degdeg ah gaarsiin doona bulshada ay saameeyeen fatahaaduhu, iyagoo ka jawaabaya baahiyaha caafimaad ee ka dhashay xaaladda roobabka iyo daadadka.

Sidoo kale, kooxaha buufinta kaneecada ayaa hawlgallo ka fulin doona goobaha ay biyuhu fadhiyaan iyo xaafadaha kala duwan, si loo yareeyo taranka kaneecada loogana hortago faafitaanka cudurka duumada (Malaria), oo khatartiisu korodho xilliyada roobabka iyo fatahaadaha.

Hawlgalladan ayaa qayb ka ah dadaalada Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee lagu xoojinayo gurmadka xaaladaha degdegga ah, ka hortagga cudurrada faafa iyo ilaalinta caafimaadka bulshada ku dhaqan Gobolka Mudug.

Wasiirka waxaa daahfurka ku wehelinayay gudoomiyaha Gobolka,Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah, Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi, iyo Madax barnaamijka Malaria Dr Abdikariin Huseen Hasaan, Madaxa Barnaamija WASH Niciimo Nuur Muuse iyo Kusimaha Isuduwaha caafimaadka.

About The Author