Ciidanka Booliska Puntland oo howlgal baaritaan iyo sugidda amniga ah oo ka socday barta hubinta gaadiidka ee Laacdheere Garowe ku qabtay gaari siday qoryo sharci-darro ah
01 Nov 2026 (Puntland.com) Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa howlgal baaritaan iyo sugidda amniga ah oo ka socday barta hubinta gaadiidka ee Laacdheere, magaalada Garoowe, ku qabtay gaari nooca waa weyn, kaas oo siday qoryo sharci-darro ah.
Qabashada hubkan ayaa muujinaysa dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Booliska ugu jiraan ka hortagga hubka sharci-darrada ah, xakameynta falalka amni-darrada iyo sugidda nabadgelyada guud.
Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa adkeynaya in la sii xoojin doono howlaha baaritaanka iyo ilaalinta amniga, wuxuuna bulshada ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan ciidamada, kana qeyb qaataan sugidda amniga iyo kala dambeynta.