Maamulka Xasan Sheekh oo kabka miisaaniyadeed ee maamullada dalka laga siiyay deeqaha caalamiga ah kasiiyey WB $591,000

01 Nov 2026 (Puntland.com) Dawladda Federaalka ayaa soo saartay jaantus muujinaya kabka miisaaniyadeed ee maamullada dalka laga siiyay deeqaha caalamiga ah. Maamulka Woqooyi-bari ayaa markii ugu horraysay ka muuqday xogta sannadka 2025, isagoo helay $591,000 [shan boqol iyo kow iyo sagaashan kun oo doollar, oo ah nus milyan iyo 91 kun oo doollar].

Galmudug waxay heshay $24,875,574 oo kab miisaaniyadeed ah [afar iyo labaatan milyan, siddeed boqol iyo shan iyo toddobaatan kun, shan boqol iyo afar iyo toddobaatan doollar].

Hirshabeelle waxay heshay $23,209,189 [saddex iyo labaatan milyan, laba boqol iyo sagaal kun, boqol iyo sagaal iyo siddeetan doollar].

Lacagta Woqooyi-bari heshay waxay u dhigantaa 2.55% lacagta Hirshabeelle heshay.

Dhinaca kale, Dawladdu waxay sheegtay in Gobolka Awdal loogu wareejiyay deeq dhan $500,000 oo loogu talagalay gurmadka abaaraha oo keliya.

About The Author